4 Qodob Ka Ogoow. Waa Maxey SEO?

4 Qodob Ka Ogoow. Waa Maxey SEO?

SEO Erayga Micno Ahaan Waxaa Lagasoo Gaabiye Search Engine Optimization, Waa Xirfad Ama Farsamo Kor Loogu Qaado Website-yada. seo waa Hab La Isticmaalo Oo Lagu Helo (Free Traffic) Dad Soo Booqdo Website-kaada Si Bilaash Ah Oo Aan Lacag Lagu Bixin Sidoo Kale Aan La Istcmaalin Farsamo Hacking Ah Aayadoo Lasoo Ban Dhigaayo Xog Tafatiran Oo Dabiici Ah.

Sidee SEO kor Loogu Qadaa?

Waxaa Jiro Shirkado Badan Oo Ku Shaqo Leh Adeega seo Ama Digital Marketing, Shirkadahaan Waxey Si Joogto Ah Malaayiin Lacag Ah Uga Sameyaan Adeega SEO, Ayagoo Oo Shaqadoodu Tahay Ine Kor Uqadaan seo Iayagoo Adeegsanaayo Search Engine Nada, Isla Markaana Ka Dhigaayo Website-kaada 10-ka Website Ee Ugu Horeeya Search Engine Markasto Xog Ku Saabsan Website-kaada Laga Baaro Search Engine-ka.

Sidee U Shaqeyaa SEO?

SEO Raadinta Search Engine Waxeey Isticmalaan Robot-yo Si Toos Ah Ula Falgala Website-yada Ayagoo Aruuriya Xogaha Ku Keydsan Website-ka Oo Kala Ah Qoraalada, Sawirada Iyo Muuqaalada, Marka Kowaad Waxeey Hubinayaan In Macluumadkaan Yahay Kuwo Asal Ah Oo Aan Meel Kale Lagasoo Miin Guurin Sida (Copy And Past) Ayadoo La Isticmaalaayo Waxa Loo Yaqaanoo (Index) Hadii Uu Asal Noqdo Macluumadka Ayaa Lagu Keedin Donaa Bogga Hore (Search Ingine) Kadibna Losoo Ban Dhigi Donaa Baaraha Xog Ku Saabsan Macluumaadkii La Keediye.

Sidee Loo Hirgaliyaa SEO Wanaagsan?

Si Aad U Hirgaliso SEO wanaagsan Isla Markaana U Hesho Booqasho Badan (Free Traffic) Waxaa Lama Huraan Ah Inaad Sameeyso Qodobadaan Soo Socdo.

  1. Website-kaada Waa Inuu Noqdaa Mid Responsive Ah Oo Macluumadka Ku Jiro Yihiin Kuwo Habeesan Oo Si Fudud Lagu Aqrin Karo Sidoo Kale Sawiro Iyo Muuqaalo Tayo Leh Laga Helaa,
  2. Website-kaada Waa Inuu Noqdaa Mid Si Fudud Leskaga Dhax Gooshi Karo Si Dhib Yar Boggaga Kala Duwan Ee Uu Leeyahay Website-kaada Loo Booqan Karaa Sikimo Gudahood.
  3. Keyword Search, Samee Cilmi Baaris Erayada Furaha Ah, Inaad Fahanto Erayada Inta Badan Dadka Ka Baaraan Search Engine-ka Waxeey Kaa Saacideysaa Inaad Maqaaladaada Inta Badan Erayadaas (Keyword) Aad Adeegsato. Si Aad U Hesho Erayada Furaha Ah Ee Dadka Inta Badan Ka Raadiyaan Search Engine Waxaa Isticmaali Kartaa Google Trends Si Bilaash Ah Ayaad Ku Heli Kartaa Erayada Furaha Ah.
  4. Mobile Friendly, Hubi In Website-kaada Yahay Mid Ku Haboon In Lagu Isticmaalo Mobile Sababta Oo Ah Dadka Aduunka Inta Badan Maanta Waxeey Isticmaalaan Mobile Oo %50 In Kabadan Ayaa Moble Ka Isticmaasho Internet-ka.

Sii Daalaco. Sidee Blog Ugu Shaqeesan Karaa?

Aaladaha Ugu Fiican Ee Kor Loogu Qaado SEO

Aaladaha Kor Loogu Qaado SEO wey Badanyihiin Waxeyna Kala Yihiin Kuwo Bilaash Ah Iyo Kuwo Lacag Ahba, Waxaan Ka Xusi Karnaa.

4 Qodob Ka Ogoow. Waa Maxey SEO?

1.Google Search Console

Waa Midka Ugu Weyn Ee Loo Isticmaalo In Lagu Hor MariyoAdeega SEO Oo Eey Leedahay Shirkada Google. Waana Mid Bilaash Ah Oo Kaa Caawinaayo Natiijooyinka Search Engine Iyo Tirada Soo Booqatay Website-kaada Iyo Dhamaan Hormarka Uu Samenaayo Boggaada.

2. Google Analytics

Google Analytics Waa Qeyb Kale Oo Bilaash Ah Waxaana Leh Isla Google, Qeybtaan Waxey Kaa Caawineysaa Ama Ku Siineyaa Falanqeyn Ku Saabsan Dadka Soo Booqday Website-kaada Tiradooda, Wadamada Kala Jogaan, Aaladahey Isticmaalayaan Mobile Ama Laptop Iyo Da´dooda Celcelis Ahaan.

3. Seamrach

Seamrach Waa Aalad Dhameestiran Oo Suuq Geyn Digital Ah, Aaladaan Waxey Bixisaa Adeega La Socodka Falanqeynta Mareegahaaga Iyo Mareegaha Tartanka Kula Jiro Intaba, Waa Mid Ka Mid Ah Aaladaha SEO Ugu Fiican Uguna Hormarsan Ee Loo Isticmaalo Adeegyada Soo Socdo.

  1. Falanqeynta Domin-yada
  2. Raadinta Erayada Muhiim Ka Ah Iyo Falanqeyntooda.
  3. Tusida Ciladaha Boggaada Iyo Soojeedinta Talooyinka Lagu Xalin Lahaa.
  4. Daraasadaha Xayeysiinta Google Adsense.

Sii Daalaco wax-badan-ka-ogow-google-adsense/

Gunaanad

Waxaan Kugula Talin Lahaa Aqristoow Inaad Barato Xirfada SEO Waa Xirfad Aad Iyo Aad Muhiim U Ah Oo Qofkii Bartaa Maanta Dhaqaalo Fiican Ka Sameeyn Karo. Gaar Ahaan Dadkeena Somaaliyeed Tartan Badan Kama Jiro Oo Wey Yaryihiin Dadka Leh Xirfadaan seo Runtii %10 Ayaa La Dhihi Karaa Ama In Ka Yar Ayaa Taqaano Xirfada SEO. Ugu Dambeyn Waxaan Rajeynaa Inaad Ka Bogatay Xog Ku Saabsan SEO Iyo Qaabka Eey Ushaqeyso Mahadsanid.

Scroll to Top