Maqaalkaan Waxaa Ku Soo Bandhigayaa Macluumaad Faahfaahsan Oo Kuu Sahlaya Sidee Loo Sameyaa Website?
Sidee Loo Sameya Website? Waa Suaal Dad Baddan Isweydiinayaan Balse Xiligaan Lajoogo Wee Sahlantahay In Aad Sameeyo Website Markii Loo Eego Waqti Fog Tusaale 20 Sano Kahor Wey Yareed Dadka Awoodo Ineey Samestaan Website Ama Macmiil U Sameeyaan, Sabbabta Oo Ah Tiknolajiyada Oo Aad U Yareed Iyo Xirfada Sameynta Website Oo Kaliya Ku Dhisneyd Waxa Loo Yaqaano Coding Programming Langue.
Balse Hada Qof Kasto Ayaa Awoodo Inuu Samesto Website Asigoo Xataa Aqoon Wax Coding Ah, Kaliya Waxaa Lagaa Rabaa Inoo Heysato Internet Iyo Computer,
Hadabba Hadaad Isweydiineso Sidee Loo Sameyaa Website? Waxaa U Baahan Tahay Inaad Raacdo Qodobadaan Soo Socdo.
1. Dooro Platform-ka Ku Dhisi Laheyd Website Kaaga.
Waxaa Jiraan Website-yo Baddan Oo Lagu Dhiso Website Billaa Coding Ah Kaliya Adigoo Istcmaalayo Waxa Loo Yaqaano Drop And Drag, Website-yadaas Waxaa Ugu Caansan WordPress In Kabadan 40% Oo Ah Website-yada Caalamka Ayaa Ku Dhisan WordPress, Sidoo Kale Waxaa Ka Mid Ah Webflow Iyo Wix.com.Lamasoo Koobi Karo Website-yada Ku Dhisan Drop And Drag.
Sidee Loo Sameyaa Website Hadii Aad Isweydiineso Adigoo Isticmaalin Coding Waa Qasab Inaad Doorato Mid Ka Mid Ah Website-yada Ku Dhisan Drop And Drag Ee Aan Kor Ku Soo Xusay.

2. Nashqadee Ama Qurxi Website-kaada.
Markaa Dhiseyso Website Waxaa Muhiim Ah In Website Kaagu Yahay Mid Ilqabasho Leh Si Qofkii Soo Booqda Usoojiito Isla Markaana Ka Helo Website-kaada, Si Aad Taas Usameyso Waxaa U Baahan Tahay In Aad Kusoo Darto Waxa Loo Yaqaano Theme Iyo Tamplate Kuwaaso Kaa Caawinaayo Muuqalka Guud Ee Website-kaada.Theme Badan Ayaa Kujiro WordPress Oo Bilaash Ah Kan Ugu Caansan Waa Astra Theme. Waa Theme Aad U Fiican Wax Badan Kaa Caawin Doona.

3. Samee Page-yo Ama Boggag.
Boggaga Waa Meesha Ku Soo Bandhigeyso Waxa Aad Dooneyso In Aad Dadka La Wadaagto. Tusaale Website-kada Yahay Mid Ku Saabsan News Ama Blog Waxaa U Baahan Tahay Inaa Sameeyso Home Page, Blog Page, Contact, Page Iyo About Page, Ka Dibna Bog Kastaaba Kusoo Ban Dhigto Wuxuu Gaarka U Yahay. Fiiro Gaar Ah Waxaa Qasab Ah In waxaa Ku Soo Bandhigeso Website-kaada Qoraal Ama Muqaal Amaba Agab Ah Inuu Ahaado Wax Adiga Aad Leedahay Waxa Loo Yaqaano Unique Oo Aadan Meel Kale Ksoo Guurin. Sababta Oo Ah Google Ma Ogola Wax Lasoo Miin Guuriyay Copy And Past.
4. Qiimeyn Guud Ku Samee.
Inta Aadan Website-kaada Internet-ka Soo Galin Waxaa U Bahan Tahay Inaad Kormeer Guud Ku Sameeso Oo Xaqiijiso Hadii Ee Jiraan Wax Cilado Ah Xaliso, Adigoo Mid Mid U Hubinaayo Dhamaan Boggaga Ka Kooban Yahay Website-kaaga. Qodobkaani Waa Muhiim Sababta Oo Ah Qald Yar Oo Kaa dhaco Ayaa Sababi Karo Wax Badan Inee Qaldamaan Kadibna Gabi Ahaan Website-kaga Ciladoobo.
5. Soo Gali Internet-ka Oo Live Kasoo Dhig.
Qodobkaan Waa Kan Ugu Muhiimsan Sababta Oo Ah Markaa Website-kada Soo Galineso Internet-ka Waxaa U Bahan Tahay Labbo Waxyaabood Oo Kala Ah Hosting Iyo Doming.

Hosting
Hosting Waa Shirkad Keydiso Macluumadkada Ama Feelashada Kujira Internet-ka Isla Markaan Usoo Bandhigeso Qof Kastoo Raadiyo Xog Kusaabsan Website-kaada. Kuna Shaqeynesa 24 Saac .
Doming Name
Doming Name Waa Mgacaaga Lagu Daray Doming Name, Tusaale Heersare.com. Heersare Oo Ah Magaca Website Kaada Iyo .Com Oo Ah Doming Name-ka.
Hosting Iyo Doming Waa Labbo Shey Oo Sal dhig U ah In Website-kada Live Ahaado La,aantoodna Ma Shaqeynaayo Website-ka Waana Lacag Oo Bishii Qidmad Yar Ayaad Bixinesaa Si Aad U Hesho Adeegaas. Si Qoto Dheer Ayaan Maqaal U Gaar Ah Uga Qori Doonaa Insha,allah.
Gunaanad
5 taan Qodob Waa Kuwa Aasaaska U Ah Sidee Loo Sameyaa Website? Waxaan Rajeynayaa In Aad Xog Fiican Oo Waddo Kuu Furto Ka Heshay Maqaalkaan. Hadii Aad Daneyneso Inaad Barato Xirfada Sameynta Website Waxaa Kula Talinaa Inaad Booqato Hurbad.com Hadii Aad Raacdo Link-gaan Waxaad Heleysaa Qiimo Dhimis 30% Dhamaan Course Yada Kujiro Madasho Hurbad.com Sidoo Kale Waxaan Qori Donaa Haduu Alle Idmo Maqaalo Badan OO ku Saabsan Website-yada Iyo Siyaabo Fudud Oo Lagu Dhisi Karo Bog Internet. Hadii Aad Wax Ka Faa,iday La Wadaag Asxaabtaada Mahadsanid.