Affialitte Marketing Waa Suuq Online Ah Oo Dhaqaalo Fican Ka Sameyn Kartid Si (Free) Bilaash Ah, Waxaa Kaliya U Baahan Tahay Internet Iyo Aalad Aad Ku Isticmaasho Sida Mobile Ama Labtop.
Waa Maxeey Affiallite Marketing?
Waa Adeeg Xayeysiin Ama Suuq Geyn Aad U Sameyneyso Badeeco (Product) Shirkad Leedahay Si Online Ah, Qof Kasto Oo Wax Ka Iibsado Suuq Geynta Ama Xayeysiinta Aad Adiga Sameysay Waxaa Ka Heleysaa (Commission Qitmad Taas Oo Aad Ka Heleeyso Shirkadii Badeecada Laheyd. Si Kale Oo Fudud Waxaan Dhihi Karnaa Waa Dalaal Qaab Digital ah. Shirkadaha Bixiyo Adeega Affialitte Marketing Waxaa Ugu Caansan

Amazon
Clickbank
ShareAsale
CJ Affialitte
Seidee Ushaqeyaa Affialitte Marketing?
Affialitte Marketing Wuxuu U Shaqeyaa Hab Digital Marketing Ah Sidaan Kor Kuso Xusay, Ugu Horeyn Waxaa Lagaaga Baahan Yahay Inaad Ledahay Website Si Aad U dalbato (Apply) Gareeyso Affialitte Nework,
Waxaa Jiraan Shirkado Badan Oo Bixiya Adeega Affialitte Network Waxeyna Shaqadoodu Tahay Iney Isku Xiraan Qofka Affialitte-ka Ah Iyo Shirkadaha Leh Badeecada (Product) Waxaana Loo Yaqanaa (Marchant).
Waxaa Dalbaneysaa (Apply) Gareyneysaa Affialitte Program, Si Laguso Aqbalo Dalabkaaga Waxaa Lagaa Doonayaa Sharuudahaan Soo Socdo.
- In Website-kaada Jiro Mudo Dhan 6 Bilood Ama Ka Badan.
- In (Posts) Maqaalo Gaaraayo 20 Ama Kabadan Kujiraan.
- In (Traffic) Dad Badan Ku Xiranyihiin Website-kaada.
- In Youtube Channel Ama Instegram Dad Badan Ku Xiranyihiin Inaad Leedahay.
Intaas Markii Lagaa Helo Ayaa Lagu Aqbalayaa Kadibna Links Lagu Sinayaa, Kadib Waxey Ku Xirantahay Da,daalkaada Iyo Sidaad U Gaarsiiso Dad Badan Oo Wax Ku Ibsado Link-gaada.
Sii Daalaco Waa Maxey SEO?
Faaidada Leeyahay Affialitte Marketing.
Faaidooyinka Uu Leeyahay Affialitte Marketing Runtii Aad Bey U Badanyihiin, Waxaan Ka Xusi Karnaa Dhowr Qodob Oo Kale Ah.
1. Daqli Dadban (Passive Income).

Waxaad Heleysaa Daqli Dadban Tusaale Adigoo Hurdo Ama Safar Kujiro Ama Shaqooyin Kale Ku Mashquulsan Ayaa Lacag Ka Sameyneysaa Affialitte Marketing. Sida Caadiga Waxaan Naqanaa Shaqooyinka Goob Shaqo La Xaadiro Oo Ugu Yaraan 8 Saacadood Laga Shaqeeyo Isla Markaana Inta Saacadood Ee Aad Shaqeysay Laguu Xisaabiyo (Pay Per Hour). Balse Affialitte Marketing Inaad Lacag Ka Sameyso Waqti Kuma Xadidaayo Habeen Iyo Maalin Ayaad Daqli Ka Sameynee kartaa Goob Kasta Iyo Goor Walba.
2. Guriga Ama Goob Kale Ayaa Ku Shaqeyn Kartaa.
Dhamaanteen Ma Jeclin Subax Kalaha Sidaa Darteed Adigoo Gurigaaga Joogo Isla Markaana Xiran Dharkaada Hurda,da Ayaa Lacag Sameynee Kartaa Oo Wax Ku Xadidaayo Malaha Ama Boss Waqtiga Kugula Xisaabtamaayo.
3. Dhaqaalo Yar.

Ganacsigyada Inta Badan Waxeey U Baahan Yihiin Lacag Badan Oo Aad Ku Bilawdo Iyo Mid Aad Ku Suuq Geysid Lkn Affialitte Marketing Lacag Aad Ku Bilawdo Kaagama Baahno Oo Sababta Oo Ah Badeecada Shirkad Kale Ayaa Leh Sidaan Kor Kusoo Xusnay Balse waxaa Kaliya U Baahan Tahay Lacag Yar Oo Aad Ku Suuq Geysid, Tusaale Isbuucii 5$ Ayaad Xayeysiin Ugu Sameyso Kartaa.
4. Xoriyad Shaqo.

Waxaa Tahay Freelencer Xiligaa Doonto Ayaad Shaqeyneysaa, Tusaale Galinka Hore Ama Galinka Dambe Amaba Habeenkii Xiligaa Doonto Adiga Uun Bey Kugu Xirantahay, Adiga Uun Baa Is Xisaabinaayo.
5. Xuriyad Dhaqaale.
Markaa Tahay Shaqaale Shirkad Ka Shaqeeyo Bisha Markee Dhamaato Waxaa Heleysaa Mushaar Cayiman Oo Aad Ogtahay Intuu Yahay, Balse Affialitte Marketing Lacagta Heleyso Bishii 100-1000$ Waxey Ku Xiran Tahay Dadaalka Aad Galiso Shaqadaada.
Sii Daalaco Wax Ka Ogoow Google Adsense
Caqabadaha Lagala Kulmi Karo Adeega Affialitte Marketing.
Caqabadaha Lagala Kulmo Affialitte Marketing Aad Bey U Yaryihiin Ama Waxaa La Dhihi Karaa Maba Jiraan Marka Laga Reebo Wadamada Dhaca Africa Oo Shirkadaha Affialitte Marketing Qaar Badan Aanan Ka Shaqeyn. Gaar Ahaan Wadankeena Somalia Inta Badan Kama Shaqeyaan Waxaana Sabab U Ah Guryaha Ku Yaala Somalia Malaha Address Lagu Kala Garto Sidoo Kale Bangiyada Wadankeena Intooda Badan Aqoonsi Caalami Ah Malahan Taas Oo Aah Caqabadaha Ugu Waaweyn Ee Jiri Kara Markii Lajoogo Affialite Marketing.
Gunaanad.
Waxaan Rajeynaa In Wax Badan Ka Faaiday Maqaalkaan Ee Aan Ku Falanqeynay Adeega Affialitte Marketing Siduu Ushaqeeyo Iyo Sidaad Uga Faaidesan Karto, Suqaan Hadii Aad Dadaal Iyo Howlkarnimo La Timaaadid Waxaan Hubaa In Aad Dhaqaalo Fiican Ka Sameyn Kartid Illaa Ay Kuu Noqoto Shaqo Joogto Ah.